4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Bangiga adduunka oo Soomaaliya u oggaaladay 80 milyan

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtii ugu badneyd oo deeq ah ka helaysa bangiga adduunka oo hadda sheegay inuu oggaaladay in 80 milyan oo dollarka Marekanka ah uu siiyo Soomaaliya,lacagta waxaa lugu maalgalin doona dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya,sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bangiga adduunka oo saldhiggiisu yahay Washington ayaa hakiyay xiriirkii Soomaaliya markii ay burburtay dowladdii dhexe , balse wuxuu dib u billaabay taageerrada Soomaaliya sanadkii 2003  xilligaas oo uu sheegay in uu diiradda saari doono barnaamijyada HIV/AIDS iyo xoolaha oo hay'adaha kala shaqeynayo.

Wadashaqeynta Soomaaliya iyo bangiga adduunka ayaa xooggeysatay sannadkii 2013, marka oo rasmi ahaan ay dib u billaabatay , waqtiga waxaa dalka ka jirtay dowladdii uu madaxweyne Xasan Sheekh ,hoggaaminayay taas oo soo shaqeysay 2012 illaa sannadkii 2016.

Guddiga fulinta bangiga adduunka ayaa hadda ansixiyay maalgalin ah 60 milyan oo dollar , oo loogu talagalay mashruuca dib u habaynta maaliyadeed iyo bixinta kharashaadka dowladda gasho iyo 20 milyan oo dollar , lacagta oo iyadana loogu talagalay mashruuca xoojinta dakhliga  gudaha iyo awoodda maamulka maaliyadeed.

Toddobadkii hore sanduuqa lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegay inuu filayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobcayo 3.1 boqolkiiba  sannadkan ,iyadoo 2.3 boqoliiba kordhay sannadkii 2017.

Waa lacagtii ugu horreeysay oo bangiga adduunka uu siinayo Soomaaliya muddo 30 sanno ah ,tan iyo markii uu dalka ka bilowday dagaal sokeeyo ,kaas oo qarxay sannadkii 1991-dii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]