4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagula eegtay Lamu

 

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo Kenyaan ah qarax khasaare sababay lagula eegtay deegaan hoostaga magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa jira sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamada qaraxa lala eegtay, iyadoo dhinaca kalana uu bur buray gaariga la bartilmaameesaday.

Al Shabaab oo sheegtay weerarkan waxa ay tilmaameen inay qarax la heleen gaari nuuca Kooyalka loo yaqaan oo marayay wadada xiriirisa Yad iyo Lamu.

Qarax-yada ka dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya ee lala eegto ciidamada Kenya ayaa maalmihi ugu danbeeyayba ahaa kuwo sii kordhayay, iyadoo dhinaca kalana ciidamada Kenya wadaan howlgalo looga hortagayo khatarta uga imaneysa dhinaca Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]