Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo New York kula kulmay madax heer caalami ah
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)
- Shirkan oo ah kii 73aad ahna mid
sanadlaa, waxaa Soomaaliya ku matalaya Wasiirka arimaha dibadda Ahmed Eisse
Awad iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay
madaxda wadamo kala duwan iyo Hay'ado hoos yimaada Qaramada Midoobay, Kuwaas oo
uu kala hadlay arimo quseeyo Soomaaliya iyo guud ahaanba Gobolka.
Kulamadii u danbeeyay waxa uu la
yeeshay Wasiiro arimo dibadeedyada Wadamada Ruushka, Qatar, Kosovo iyo Kuwo
kale.
Kulankii uu la yeeshay Wasiirka
Arimaha dibada ee Kosovo ayay kaga wada hadleen xariirka labada dal iyada oo
dowlada Kosovo Carabka kudhufatay in Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn Taas
badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi gudo, Waxayna soo
bandhigeen fikrada ah in Soomaaliya ay saafaarad ka furato Kosovo ayna
fududeeyn doonaan adeegyada furista sadaarada Soomaliya ay ku yeelato halkaasi.
"Dowlada Ruushka waxy marwalba
Diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya
Iyo Soo celinta wada shaqeeyn xoogan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo
Ruushka" Sidaa waxaa yiri Wasiirka ariaha dibada ee Ruushka Sergey Lavrov.
Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman
Al-thani oo ah wasiirka Arimaha dibada ee dalka Qatar iyo Wasiir Ahmed Awed
ayaa ka wada hadlay wadashaqeyn dhow oo dhexmarta wadamada Qatar iyo Soomaaliya
isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay la kulanka wafdiga Soomaaliya ku
matalaya Shirka Qaramada Midoobay.
Wasiirka arimaha Dibada ee
Soomaaliya Ahmed Eise Awad ayaa ku sii Joogi doona NewYork tan iyo inta uu ka
jeedinayo Qodbada ay Soomaaliya ku leedahay Shirka Gollaha loo dhanyahay ee
Qaramada Midoobay.
Deeqo Shire (SONNA)
NewYork