Isniin, September, 24, 2018 (HOL)–
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal, sida ku cad
wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo guddoomiye
cusub loogu magacaabay gobolka Nugaal.
Cumar Cabdullaahi Faraweyne ,
guddoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Nugaal, wuxuu ka mid ahaa
siyaasiyiinta saameynta ku leh gobolka ee aadka ugu dhow
madaxweynaha Puntland, lamana sheegin sababaha xilka looga qaaday Cumar
Faraweyne.
Waxaa xilka guddoomiyaha gobolka
Nugaal loo magacaabay, Cabdisalaan Xasan Xirsi oo ku magac dheer Gujir, wuxuu
horey usoo noqday duqa degmada Garoowe ee xarunta Puntland xilligii xukuumaddii
Madaxweynihii geeryooday allaha u naxaristo, Cadde Muuse.
Xilka qaadista ayaa ku soo aaday
iyadoo muddo ka yar afar bilood ay ka harsantahay xil heynta xukuumadda u
hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas, sidoo kale waxaa si iskiis ah u sheegay
Axaddii shalay in uu is casilay wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada
Puntland.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online