Gabar lagu dhax toogtay gudaha fasalka Jaamacaddii ay wax ka baraneysay magaalada Muqdisho
Jimco, September, 21, 2018 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa duhur-nimadii maanta gudaha Jaamacada UNISO ku dhax toogtay gabar Ardey aheyd oo lagu magacaabi jiray Aamina Xusseen Xassan gudaha fasalkii ay wax ka baraneysay.
Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in dableyda
toogashada u geysatay gabadha oo u muuqdeen kuwo hayay xog dhameystiran si
toos u abaareen fasalkeeda iyaga markii ay toogeen kaddib si nabad ah uga
tagay goobta.
Lama oga sababta rasmiga ah ee loo toog-tay
gabadhan oo la sheegay in ay Jaamacadda ka baran jirtay Kuliyada Shareecadda,
waxeyna aheyd gabadha labaad ee fasalka oo ay ku dhiggan jireen labo gabar oo kaliya halka inta kale ay ahaayeen wiilal.
Ardeyda oo siweyn uga xumaaday falkan
iyo toogashada loo geystay gabadhihii
ay wax ka wada baran jireen Jaamacada ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in sida ugu
dhaqsiyaha badan loo soo qabto kooxdii dilka geysatay.
Dhawaan ayeey aheyd markii gabar 9 sano jir ah uu
toogasho u geysatay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya xili ay la
soctay Bas-ka dugsigii ay wax ka baran jirtay ee Hoyga Xamar.
Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay-ba
waxaa ku badnayay dilal dadka siweyn uga fajiciyay habka loo fulinayo iyo dadka
lagu beegsanayo intaba, waana arin naxdan ku ah guud ahaanba ardeyda wax ka
barata Jaamacada Muqdisho falkan maanta gudaha fasalkeeda loogu dhax-toogtay
marxuumad Aamina.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]