Warar dheeraad ah oo ku saabsan Qarax lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag
Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Weerar loo
adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa barkhanimadii maanta lagu
weeraray xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa bur bur
xoog leh u geystay degmada iyo guryo ka agdhawaan, sidoo kale waxaa goobta ku
dumay dugsi Qur’aanka laga barto oo ku dhawaa xarunta degmada, kaa oo sida la sheegay ay ku dhinteen carruur aan
tiradooda la xaqiijin.
Waxaa sidoo kale la
rumeysan yahay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo kale oo ka dhashay bur bur
xoog leh oo qaraxan uu u geystay guryo dad rayid ah ay dege-naayeen oo ka
agdhawaan xarunta degmada.
Saraakiisha
caafimaadka ee gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in 14 ruux oo dhaawac
la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho 6 ka mid ah dadka dhaawacmay
ayaa lagu sheegay in ay carruur ahaayeen.
Ilaa iyo hadda ma
jirto cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxa sidoo kalana ma
jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
diini@hiiiraan.com