Sool : Shaki laga muujiyay isticmaalka Tarmuus-yada shaaha lagu shubto

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) – Boqolaal
talaagadood ayaa lagu burburiyay degaanmo kala duwan oo gobolka Sool ka mid ah
ka dib markii la sheegay in cudurka Kansarka lagu faafinayo.
Arintan ayaa ka bilaabantay muuqaalo
iyo qoraalo lagu faafiyey baraha bulshada oo ka digaya isticmaalida qaar ka mid
ah talaagadaha kulaylka kaydiya.
"Waxaan furay 48 talaagadood
waxaana ka soo saaray sadex xabo oo kiniin ah oo qolofka iyo quraarada u
dhexeeya, mana garanayno waxa ay u qabanayso" sidaa waxaa HOL u sheegay
Ismaaciil Yuusuf Kaalfooto oo bare ka ah dugsiga god'aalo ee degmada Taleex.
Sidoo kala magaalada Laascaanood
ayaa dad badan ay baabiiyey talaagadaha iyagoo sheegay in aanay dib u istiaali
doonin.

Arintan ayaa dalalka carabta
qaarkood si aad ah loo hadal hayaa iyadoo dalka Cumaan uu dhowaan mamnuucay
talaagadaha lagu farsameeyo dalka Shiinaha taas oo dadka ganacsiga ku xeeldheer
ay ku fasireen in ay tahay xiisada dagaalka dhaqaale ee dalka Shiinaha lagula
jiro.
Ma jirto cid si dhab ah uga waranta
xaladan caafimaad ee ka dhalan karta isticmaalka talaagadaha madaama ilaa iyo
hadda aan jirin baadhitaano lagu sameeyay.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool