Talaado, September,18, 2018 (HOL)–Koox hubeysan ayaa caawa magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako waxaa ay ku toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Muumin Xassan Garaad.
Toogashada kaddib ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal lagu baadi goobayo kooxdii ka danbeysay dilka oo markiiba goobta ka baxsatay, ma jirto cid ilaa iyo hadda ay u qabteen ciidamada dilka sarkaalkan.
Kabtan Carab Yuusuf Nuur taliyaha ciidamada isku dhafka amniga Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada ay wada howlgal lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]