Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya
degmada lagu magacaabo Duuda ee wax yar 20km u jirta caasimada Jabuuti ayaa
sheegaya in Libaax Dhedig ah uu dad ku weeraray.
Wararku waxaa ay
sheegayaan in gooshan dhibaatada geystay ay labo cisho ka hor ka baxsataygoob
lagu xannaaneyo duurjoogta dalka Jabuuti
Dhaawac halis ah ayeey soo gaarsiisay gooshan
saddex ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka Duuda sida u sheegay xildhibaan laga
soo doorto deegaankaas oo intaa ku daray in ay gurmad ku sameeyeen dadka ay wax
yeelladu soo gaartay.
Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiynaya dhibaatada ay gaystaaan
xayaawan-nada duur joogta ee ka baxsado seerayaasha lagu hayo.
Hasse ahaatee saraakiisha ka shaqeysa arrimaah duurjoogta ayaa hadda amar ku
bixinaya in la dilo gooshan oo laga yaabo in ay dhibaato kale geysato.
Inta badan marka la eego xayaawanka wax dila ee lagu dhax xannaaneeyo gudaha
magaalooyinka ayaa dhibaato xoog leh geysta dadka marka ay ka fakadaan ama
ka baxsadaan xerayaha lagu hayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]