Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday dhalinyaro ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Maxkamadda
Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday 5
ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin
dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.
Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa
koowaad ayaa ku biiray Al-Shabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay
degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada
qalabka sidda.
Xaafadda Baar Ismaaciil degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayay
Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda
Ciidamada oo shan-sano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka
ayuu markale sii waday qorshihiisa Al Shabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka
soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale isaga iyo koox kale
oo xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.
Abuukar Cabdi
Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed,
Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay ka
wada tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kale ay ka wada tirsan-yihiin Koox gaar
ah oo ay ula baxeen (jugta Culus) taas oo loogu tala galay in
ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.
Iyadoo ka ambaqaadeyso
Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay
Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray
Al-Shabaab Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon,
Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane ee kale ,Cabdi
Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan
(5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada
koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute uu ku
dhawaaqay.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]