Hiiraan Online
9/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Cabdikariin Qalbi-Dhagax oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax , ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.
Sarkaalkan ka tirsan jabhadda ONLF, waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka mid ah qaybaha bulshada.
Safarka uu ku tagay Dhuusamareeb ayaa qayb ka ah socdaal uu sheegay inuu ku marayo dhulka Soomaalida, wuxuu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaannada Puntland, isagoo hadda ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo oo aheyd halkii laga qabtay.
Balse, sida u sheegay Cabdikariin Qalbi-Dhagax socdaalkiisa qayb kama aha magaalada Muqdisho inuu tago, wuxuuna ku sheegay wareysi uu bixiyay inaysan qorshaha ugu jirin.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]