Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, ayna xubno ka yihiin
mas'uuliyiinta Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qeyb galaya shirweynaha
ugu sarreeya ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo ka furmay magaalada
Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Shirweynahan, oo afartii sanaba mar la qabto, ayaa ah
shirka ugu heerka sarreeya ee ITU, kaas oo lagu doorto hoggaanka ururka, laguna
ansixiyo qorshayaasha iyo go'aannada arrimaha masiiriga ah ee khuseeya
isgaarsiinta adduunka ee afarta sano ee soo socota.
Shirweynahan ayaa xiiso gaar ah u leh isgaarsiinta iyo
teknoolojiyada Soomaaliya ka dib markii lagu guuleystay shaqooyin badan oo sare
u qaadaya isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, sida ansixinta sharciga
isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Soomaaliya oo soo
ceshatay xuquuqda codeynta oo ay kaga qeybgali karto doorashada dhacaysa,
kuwaas oo sare u qaadday maqaamka uu dalkeenu ku leeyahay ITU.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md.
Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu u gudbisay ITU qaraar u
gaar ah dalkeena oo loogu talo galay in lagu horumariyo isgaarsiinta iyo
teknolojiyada dalka, kaas oo Wasaaradda iyo Hay’adduba ka soo shaqeeyeen, kana
soo dhaadhiciyeen kulamada heer qaarad Afrika iyo Carabtaba ee ITU.
“Fursad qaali ah ayay noo tahay inaan maqaamkan kaga
faa’iideysano horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena. Haddii
shalay na loo arki jiray dad aan xuquuq lahayn, maanta waxaan qeyb ka nahay
go’aamada la gaarayo”, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaana
fursaddaas uga faa’ideysaneynaa inaan ka wada hadalno horumarin iyo iskaashi uu
dalkeenu la yeesho dalalka dhiggeena ah.”
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]