Ra’iisal wasaare Kheyre oo kormeeray dugsiga sare Jabuuti
Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka
Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa
maanta kormeer ku tagay iskuulka Jabuuti oo ka mid ah iskuulladii dhawaan
ay la soo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka
Soomaaliya.
Kormeerkan ayaa waxaa ra’iisul
wasaaraha Soomaaliya ku wehelinayay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada
Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa
ardeyda iskuulka u qeybiyay bugaagta ay ku qoran yihiin manhajka cusub ee ay
diyaarisay wasaaradda waxbarashada.
Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in
dowladda federaalka ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.
“Dowladda federaalka waxaa ka go’an
inay horumariso waxbarashada dalka waxaan idin ku dhiiri gelinaya inaad wax
bartan”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo
tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan bilowday
bixinta bugaagta manhajka cusub, iyadoo maanta la soo gaba gabeeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]