4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Ganacsatada gobolka Banaadir oo ka hor yimid qoraal ka soo baxay Duqa Muqdisho


Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ka soo horjeestay qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ganacsatada looga dalbanayay in ay bixiyaan lacago loogu tala galay dhismaha Wadooyinka oo dhawaan la joojiyay.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa dhawaan shaacisay in ay joojiyeen lacagihii ay ku bixin jireen dhismaha Wadooyinka Muqdisho, kadib markii ganacsatada ka hor yimaadeen in dad kale la wareegaan maamulka lacagaha ay ganacsatada bixiso akoono gaar ahna loo sameysto.

Kulan maanta Dekadda Muqdisho ku yeesheen Ganacsatada gobolka Banaadir ayey uga soo horjeesteen qoraalka Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo sidoo kale in lacagihii ay bixin jireen ku shubaan akoono dad gaar ah sameesteen .

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xassan Mirre Dhiif ayaa sheegay in ganacsatada gobolka Banaadir aysan raali ka aheyn in lacagtooda ku bixiyaan sifo sharci daro ah sidoo kale maamulka gobolka Banaadirna ganacsatada u qasbo dad gaar ah.

Waxa uu sheegay Xasan Mire sababaha ay u joojiyeen lacagihii ay bixin jireen in ay tahay kadib markii la bedelay akoonadii lacagaha lagu shubi jiray sidoo kale howsha gacanta loo galiyay dad aan aamin aheyn waxna aan ku darsan lacagaha ay ganacsatada ku bixin jirtay dhismaha Wadooyinka.

Xasan Mirre ayaa sheegay in nasiib daro tahay in Ganacsatadii gobolka Banaadir ee canshuurta bixiya loo qasbo dad gaar ah oo dano gaar ah leh sidoo kale wax canshuur ah aan siin dowlada.

”Ganacsatada gobolka Banaadir waa kuwa kaliya ee canshuurta siiya dowlada Dhaxe iyo Dowlada Hoose ee Xamar, Gudoomiyaha gobolka waxaan leeyahay ha u qasbina ganacsatada aad canshuurta ka qaadaan dad dano gaar ah leh kuna kalsooneyn ganacsatada , kooxda noola qasbayo waxa ay bil kasta Dekadda Muqdisho ka qaataan 67-kun oo Dollar mana naqaan meel ay ku bixiyaan lacagtaasi sharci darada lagu qaato ” ayuu yiri Xasan Mirre Dhiif.

Sidoo kale Abuubakar Xaaji Maxamuud oo kamid ah Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dowlada iyo maamulka gobolka Banaadir in aysan cadaalada katigin ganacsatada aysan u qasbin koox gaar ah.

Ganacsatada ayaa si weyn uga soo horjeestay Qoraalka kasoo baxay Duqa Muqdisho iyo in koox gara ah la wareegto maamulka lacagihii ay Ganacsatada ku bixin jireen dhismaha Wdaooyinka magaalada Muqdisho .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]