4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Dowladda Federaalka oo baaq nabadeed kasoo sartey colaadda gobolka Sool

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartey dagaal beeleed dib uga soo cusboonadey shalay deegaanka Dhumay oo 45 km xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul wasaaraha xukuumadda, Xasan Cali Khayre ayaa si wadajir ah ugu baaqay   Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya,sida ku cad warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

"Dowladda Soomaaliya waxa ay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah ee ku dirarsan deegaannada Dhumay, Dharkayngeenyo iyo nawaaxigeeda. Waxaan racsu u dirayaan eheladii ay dadkoodi ku geeryoodeen dirirta sokeete." ayaa lagu yiri warsaxaafeedka.

War-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay ayaa inta ku daray "Dowladda Federaalku waxa ay ka qaadan doontaa doorka uga aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaanadaas, Sidoo kale Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaruhu waxa ay farayaan Hay’addaha gargaarka dowladda in ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannaddas".

In ka badan 40 qof oo labada dhinac ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaalka sokeeye ee Dhumay, kaasi oo ku soo beegmaya xilli ciidamadda Puntland iyo Soomaaliland ku dagaallameen dhowr jeer sannadkan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Hoos ka akhri baaqa DFS


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]