4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
15 qof oo ku dhaawacmay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dhumay oo Gaalkacyo la soo gaarsiiyay

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Dad ka badan 15 ruux oo ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Dhumay oo 45 km xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ayaa goor dhow la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo,sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Dhaawacyada qaar ka mid ah ayaa xaaladda caafimaad ee ay ku suganyihiin laga day-rinaya,kuwaas oo dhaawacyo culus qaba, waxaana isbitaalka guud la geeyay inta badan dhakhaatiirta ka howlgasha xarumaha caafimaadka ee magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal ka tirsan isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Hiiraan Online in dhaawacyo kale saacada soo socda ay soo gaari doonan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna inta ku daray in wasaaradda caafimaadka Puntland ay soo bandhigi doonta ilaa berri warbixin guud oo ku saabsan dhaawacyada la soo gaarsiiyay Gaalkacyo.

Dagaalka labada beeleed ku dhaxmaray deegaanka Dhumay ayaa la aaminsanyahay inay ku dhinteen ku dhawaad 50 ruux dad ka badan 80 qof ayaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay,iyadoo xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beelleed ka taagantahay deegaanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]