4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Kheyre oo magacaabay guddi Wasiirro ah oo Aqalka Sare kala shaqeeya xalinta khilaafka dowlad gobolleeyda

 

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –Guddiga oo ka kooban Afar Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa magacaabay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre, iyaga oo kala shaqeyn doona Aqalka sare xalinta khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

Magacaabistan ayaa timid iyadoo ay maanta ku egtahay muddadii guddoonka Aqalka sare uu u qabtay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay kaga jawaabaan khilaafka taagan iyo sidii loo xalin lahaa, waxaana guddiga guddoomiye u ah Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Sidoo kale waxaa guddigan xubno ka ah Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dastuurka Cabdiraxman Xoosh Jabriil, Wasiirka Wasaarrada Maaaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Wasaarradda Amniga Maxamed Abuur Isloow Ducaale.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii maamul goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka.

Guddiga ayaa imanaya xili maamul gobolleedyada qaar-kood ku soo fool leeyihiin doora-shooyin adag, waxaana jira shaki madaxweynayaasha maamul gobolleedyadu ka qabaan in dowladdu fara-galiso doorashooyinkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]