4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Shirka hal abuurka tiknoolajiyadda oo ka furmay Muqdisho

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –   Shirka hal abuurka teknoolojiyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ,iyadoo ay ka qaybgalayaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wakiillo ka socda tobannaan shirkadood oo soo bandhigaya waxyaabaha ay ku soo kordhiyeen suuqa teknoolojiyada Soomaaliya ayaa sidoo kale shirka ka qaybgalaya.

Saddex maalin oo u socon doono shirka waxaa kaloo lagu soo bandhigayaa dooddo iyo fallanqayn la xiriirta heerka teknoolojiyadda Soomaaliya iyo sida ay uga qayb qaadan karto dib u soo kabashada dalka iyo horumarka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]