4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Shiinaha oo dhisay buundada adduunka ugu dheer ee badda dusheeda marta

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –  Dawladda Shiinaha ayaa xariga ka jartay buundada adduunka ugu dheer ee badda laga sameeyo, taas oo gaaraysa 55 km.

Buundadan oo isku xirta Honkong iyo Zhuai-Macau waxaa loo isticmaalay farsamo cajiib ah marka la eego sidda looga taxadaray inay ku dhacaan Maraakiibta badda gooshaysa amaba ay hakiso duulimaadka garoonka Hongong oo ay u dhawdahay.

Dhismaheeda waxaa la soo billaabay sannadkii 2009-kii, waxaana ku baxay adduun lacageed oo gaaraya 4-bilyan oo dollar, balse Shiinuhu waxa uu rajaynayaa inay noqoto kaabe dhaqaale oo aad looga faa’iido.

Madaxwaynaha Shiinaha,Xi Jinping oo buundadan furay waxa uu sheegay in ay calaamad u tahay horumarka ay ka sameeyeen dhismayaasha muhiimka ah, ayna xaqiijiyeen hadaf muddo la hiigsanayey.

Injinneerrada Shiinaha ayaa sheegay buundada in loo naqshadeeyey qaab ay isaga caabbin karto dhulgariirka iyo duufaanta inta badan badaha Shiinaha ku dhufta.

Miisaniyadda faraha badan ee dhismaha Buundada ku baxday waxaa u dheer waa buundadi shaqaalihii ugu badnaa ay ku dhintaan inta uu dhismaheedu socday.

Dowladda Shiinaha waxaa ay ku sheegtay sababta buundadan loo dhisey in safarka qaadan jiray ugu yaraan afar saacadood loo soo gaabiyo ugu badnaan 30 daqiiqo. Basaska iyo gawaarida kale ee ganacsiga oo rakaab sida ayaa buundada adeegsan doona, Balse takaasida caadiga ah iyo gawaarida gaarka loo leeyahay kuwa kooban oo fasax u haysta mooyee buunddaa ma isticmaali karaan.

Qaar ka mid ah shacabka Hong Kong ayaa waxay sheegayaan inaan buundadan loo baahnayn balse ujeeddada Shiinaha uu u dhisay ay tahay inuu xiriiriyo Hong Kong iyo Mainland.

Buundadan waxa ay 20 jeer ka dheertahay midda ku soo xigta ee San Francisco ee Golden Gate, waxaana ay 7 km hoos martaa badda, iyadoo sii maraysa jasiirado lagu hakan karo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]