4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Shir weynaha caalamiga ah ee la-dagaallanka musuqmaasuqa oo ka furmay Copenhagen

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –  Shir weynaha 18-aad ee la-dagaallanka musuqmaasuqa oo ay ka qaybgalayaan 1,200 qof oo matalaya in ka badan 50 dal ayaa galinkii dambe ee Isniintii shalay ka furmay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

Wafuudda shirka ka qaybgalaya waxaa ka mid ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo u hoggaaminayo, wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,   Xasan Xuseen Xaaji.

"Caalamka waxaa muhiim u ah in lala dagaallamo musuqmaasuqa oo haddii uu baaho khatar ku ah dhaqaalaha iyo xaquuqda aadanaha adduunka.", Ulla Tørnæs, wasiirka horumarinta Denmark oo shirka furtay ayaa sida sheegtay.

Madaxa shirweynaha la-dagaallanka musuqmaasuqa IACC, ayaa ku dheeraadey la-dagaallanka musuqmasuqa, waxa uu sheegay in waddamo badan ay ka caawiyeen siddii ay u baabi'in lahaayeen musuqmaasuqa,isagoo inta ku daray in dunidda dhib weyn uu ku hayo musuqmaasuqa. Waxa kale uu khudbadiisa ku soo daray sheeko ku saabsan  xarun caafimaad oo ku taalla dalka Ghana oo aan waligeedba shaqeyn, taas oo magac u yaal ahayd, arrinta oo uu sheegay inay tusaale nool u tahay halka uu dunidda ka joogo musuqmaasuqa.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo shir weynaha hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhexda uga jirto dagaal adag oo lagula jiro musuqmaasuqa , waxa uu tilmaamay in golaha Baarlamaanka ogalaadeen xeerka ka hortaga musuqmaasuqa, xeerka oo hadda horyaalla golaha aqalka sare si uu u ansixiyo.

" Waxyaabaha ay dowladda guulaha weyn ka gaartay ayuu ka mid yahay musuqmaasuqa... marka loo eego dhibaatada weyn ee dalka uu soo marey ilaa burburkii ka dib muhiimad gaar ah ayay dowladda hadda jirta sii-say la-dagaallanka musuqmaasuqa." ayuu yiri Wasiirka cadaaladda oo inta ku daray " Soomaaliya waxaan idin xaqiijinaya inay qaaday waddada saxda ah  qaybaha kala duwan gaar ahaanna xagga dambiyada,amniga, dhaqaalaha, garsoorka iyo arrimaha bulshada".

Shir weynaha la-dagaallanka musuqmaamuqa ( International Anti –Corruption Conference 18TH IACC), ayaa marka la soo gabagabeeyo maalinta Arbacada waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed.

Farah Osman ,Hiiraan Online
Copenhagen ,Denmark