Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Deegaanka Dhumay oo ka
tirsan gobolka Sool waxaa wali ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo
maleeshiyo beelleed, waxaana dagaal shalay ka dhaxmaray labada dhinac ku
dhintay in ka badan 30 ruux.
Ilaa iyo hadda ma jirto waan waan
laga dhax wado dhinacyada iska soo horjeeda, waxaana ay dadku mar walba filan
karaan dagaal rogaan celin ah oo mar kale dhaxmara maleeshiyaadka is hor
fadhiya.
Waxgaradka gobolka Sool oo qaarkood ka hadlay
dagaalka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka
Dhumay ee gobolka Sool, islamarkaana la damiyo xiisada colaadeed.
Maamul gobolleedka Puntland ayaa ku eedeeyay
Somaliland in ay iyagu ka danbeeyaan dagaal beelleedkan ka socda qeybo ka mid
ah gobolka, waxaana ay dhinaca kale ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaalka,
laakiin wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]