4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Puntland: Colaadda soo noqnoqotay ee gobolka Sool, Soomaaliland ayaa abaabulkeeda leh

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay Soomaaliland abaabulka dagaallada ku soo noqnoqday gobolka Sool,kaddib dagaal ay dad badan ku dhinteen oo maanta ka dhacay deegaanka Dhumay ee koonfurta magaalada Laascaanood.

Puntland ayaa baaq u dirtay beelaha dagaallamaya,iyadoo warsaxaafadeed uu maamulka baahiyay lagu sheegay inay diyaar u yihiin inay si mugleh uga qaybqaataan daminta colaadda.

Guddoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen ayaa u sheegay Hiiraan Online in dhaawaca 21 qof la soo garsiiyay isbitaalka degmada, isagoo inta ku daray in aanay jirin cid haatan ku hawlan in ay xabadda joojiyaan.

Dagaallada qabaa'ilka ayaa ka dhaca deegaanno ka tirsan gobolka Sool,waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Dhumay .

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka Puntland:



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]