4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Maamul-gobolleedyada oo baaq u diray dowladda federaalka

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) –  Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee ku shirsan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay eedeymo culus,iyagoo ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso.

Afhayeenka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada,Cabdullaahi Shiikh Xasan oo goor dhow wariyayaasha kula hadlay Garoowe ayaa sheegay dowladda inay si cad markan u dooneyso burburinta maamullada dalka, tallaabada oo u sheegay inay ka hor imaanayso nidaamka federaalka ee u dalku qaatay.

"Maalintii labaad waxaa si habsami ah uga socda shirka madasha Iskaashiga dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, intii uu socdey shirkaasi waxay dowladda federaalka wadey faragelin toos ah, iyadoona hore u go'aansatay duminta maamullada, Galmudug ayay khalalaaso siyaasadeed ka abuurtay." ayuu yiri  Cabdullaahi Shiikh  oo inta ku daray "Warqad ayay soo saartay dowladda federaalka oo  ay uga hadlayaan doorashooyinka, Puntland 5- doorasho ayaa ka dhacday waxbana lagama waydiin DFS, iminkana waxba laga waydiin maayo, sidoo kale maamullada kale, umana baahna doorashooyinkaasi in Muqdisho laga soo yeedhiyo xilliga ay dhacayaan."

Afhayeenka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada oo sidoo kale ah wasiirka  Dastuurka maamulka Koonfur-galbeed , waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Baydhabo ka dejisey baaburta aanay xabaddu karin iyo ku dhowaad 50 ciidan ah, "kuwaasi oo ay uga goleeyihiin khalkhalinta nidaamka dowladnimo ee ka jirta maamulkaasi iyo faragelinta doorashooyinka ee ay usoo tafaxaydatay". ayuu yiri.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]