4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in wax laga badalo fikirka hadda jira ee nabad galyada Soomaaliya

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) –  Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiimtahay in la beddelo qorshaha lagu raadinayo xasilloonida iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, oo Axaddii shalay khudbad ka jeediyay shirka madaxda dowlad-gobolleedyada uga socda Garoowe, wuxuu yiri "Xaaladda Soomaaliya amniga ma dhowa, waxaa ay u baahantahay fikirka hadda jira ee nabad galyadda in wax laga badalo".

"Suurtagal maanta ma aha in la yiraahdo Soomaaliya waxaa jiro 26 kun oo ciidan ah iyo inta oo kale ama ka badan oo AMISOM ah, wax ka yar 7,000 ama 6,000 oo wiilal, oo isleenahay waa laga tiro badanyahay, waa laga taageero badanyahay, waa laga shacbiyad badanyahay, oo awood heysan ay shido ay dalka ka wadaan, oo in badan oo ka mid ah gacanta ku hayaan". ayuu ku daray hadalkiisa.

Cabdiweli , wuxuu sheegay Puntland inay la-dagaallantay al-Shabaab iyadoo aysan jirin taageero weyn oo dowladda federaalka ay ku siiso dagaalka Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]


.