4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Xarunta Degmada Wadajir oo dib loo furay

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xarigga ka jaray xarunta Degmada Wadajir,kaddib markii qarax loo adeegsaday gaari uu burburiyay dhismaha xarunta bishii hore ee September.

Dib u dhiska xaruntan waxaa ka qayb qaatay shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir,guddoomiye Yarisow ayaana uga mahad celiyey bulshada iyo waxgaradka Degmada Wadajir dadaalka ay ku bixiyeen dib u dhiska xarunta degmada iyo sida ay uga mideysan yihiin xaqiijinta horumarka ay higsanayaan.

Sidoo kale, Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka degmada in ay dardar geliyaan howlaha adag ee horyaalla oo la xiriira ilaalinta bilicda iyo fayo dhaworka degmada, la dagaalanka musuq maasuqa, xoojinta wada shaqeynta bulshada degmada iyo laamaha amniga, baahinta adeegyayada asaasiga ah, xoojinta isku duubnida iyo daris wanaagga bulshada degmada Wadajir.

Maamulka iyo dadka degmada ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dadaalka joogta ah ee uu ku bixiyey dib u dhiska xarunta degmada iyo sida casriga ah ee loo qalabeeyey xafiisyada loogu adeegayo bulshada, iyagoona ballan qaaday in ay si siman oo hufan ugu adeegayaan bulshada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]