4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Ku dhawaad 20 ruux oo lagu dilay dagaal beelleed ka dhacay gobolka Sool

 

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Ku dhowaan 20 ruux ayaa ku dhintay tuulada Dhumay oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dad ku dhow tuulada Dhumay ayaa HOL u sheegay in salaada subax ay maqleen dhawaqa rasaasta ee ka dhacaya halkaas.

Ciidamada duulaanka ku galay Dhumay ayaa ka mid ah laba beelood oo sanadihii u dambeeyey dagaal ku dhexmarayey oo todobaadkii tegey la dhameeyey.

Dadka dhintay oo aan ilaa hada si dhab ah loo ogayn inta ay yihiin waxaase dad kala duwan sheegaan in ku dhowaan Labaatan ruux dhinteen.

Labadan Beelood oo illaa shan jeer la dhameeyey colaadooda ayaa dhowaan si dhib leh lagu soo dhameeyey balse waxa illaa haatan dadku isweydiinayaan sababta duulaamkan oo kii ugu weynaa ah uu ku yimi.

Wararka ugu dambeeyey waxa ay soo dawinayaan in ay ciidamo xoogle ku sii qulqulayaan degaankaas oo laga cabsi qabo dagaalo lagu riiqdo, weli kama hada maamulka gobolka iyo madaxda dhaqanka midna.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood