Sacuudiga oo laga dalbaday in faah faahin lagu qanci karo uu ka bixiyo dilka Wariye Jamal Khashoggi
Isniin, October, 22,
2018 (HOL) – Dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Sacuudi Carabiya
ugu baaqay inuu sharraxaad degdeg ah uu ka bixiyo dhimashada Jamal Khashoggi.
War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada
saareen seeddexdaasi dal ayaa waxay ku sheegeen arrinta ah inuu Khashoggi uu ku
dhintay "dagaal ka dhacay" qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay
Istanbul ay u baahan tahay in laga keeno "caddeeymo macquul ah oo la
rumeysan karo".
Madaxweyne Trump wuxuu mar sii horreysay sheegay
"in uu ku qanacsaneyn" sida arrinta loo dhigay.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu
wacad ku maray inuu mudda gaaban uu ku soo bandhigayo caddeymaha dhabta ee
dilka wariyahaasi la xiriira.
Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray inuu
faafaahinta ku saabsan dilka Khashoggi uu Talaadada baarlamaanka la hor iman
doono.
Dibadbax lagu qabtay Istanbul mar uu ka hadlayna
wuxuu sheegay "waxaan raadineynaa ee iisu kaanna keenay waa caddaalad taa
ayaana keeneysa inaan runta la qariyey oo dhan aan dibadda soo dhigno."
Khashoggi
wuxuu Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul uu galay 2-da bisha
October si uu uga soo dhammeysto warqadda furriinka.
Sacuudiga inta ay dhimashadiisu qiranin ayeey
marar hore sheegeen in uu Khashoggi isaga oo nabad qaba uu Qunsuliyaddooda uu
ka baxay, iyaga oo marki dambana sheegay in uu qunsuliyaddooda uu ku dhex
dhintay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]