4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Wasiirka Amniga : Talaabo ayaan ka qaadeynaa dadkii ka danbeeyay weerarkii ka dhacay degmada Wadajir

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo booqday xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa uga tacsiyeeyay waxgaradka deegaanka weerarkii ay dadka ku dhinteen oo ay ku qaadaan xaafadda ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo la kulmay odayaasha iyo wax-garadka deegaanka ayaa u balanqaaday in dowladda Soomaaliya talaabo deg deg ah ka qaadi doonto dadkii ka danbeeyay weerarka, isaga oo intaa ku daray in dowladdu damaanad-qaadeyso in mar aysan dib u soo noqon arrintan oo kale.

‘’Waxaan rabaan in aan ka tacsiyeeyo dadkii ku dhintay weerarka, waxaan idin leeyahay meydadka hala aaso, dadka dhaawaca- ahna waa la daweynayaa, waxaan idinka codsaneynaa in leys-dajiyo, dadkii arintan ka danbeeyay magacyo ayaan heynaa, waa lagu raad joogaa tallaaba-na waa laga qaadayaa’’ ayuu yiri Wasiirka oo sidoo kale booqday dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen, ,kuwaa oo qaarkood ku dulkatii-nadeysnaa sariirihii ay ku jiifeen.

Inkastoo Wasiirku uusan ka hadal in weerarkan ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, haddana xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay saraakiisha ciidamada Booliiska in ay ka danbeeyeen weerarkan, kuwaa oo qaarkood magac-yadooda la soo hadal qaaday.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Xassan Ibraahim Qoono ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaa dadka rayidka ah lagu dilay ka danbeeyeen taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta Galbeed ee ciidamada Booliiska, waxaana uu ugu baaqay madaxda ugu sareysa dalka in ay soo fara-galiyaan arintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]