4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Dowladda oo war ka soo saartay khilaafka kala dhaxeeya dowlad gobolleedyada

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa war deg deg ah ka soo saartay khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada, kaddib war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weli ay sideedii tahay gogoshii uu fidiyay Madaxweynaya 8-dii bishii September ee uu isugu yeeray maamul goboleedyada, si loo dhameeyo arrimaha tabashooyinka ee jira.

Sidoo kale qoraal ayaa lagu yiri ‘’ Dowladda Federaalka, iyadoo ixtiraameysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla waxay aaminsan tahay wadatashi, isla tashi iyo isku tashi, iyadoo wixii khilaaf ee dhaca lagu xalinayo si Soomaalinimo ah”

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ku adkeyneyso in xal u helista arrimaha masiiriga ee dalka ay tahay mid u taalla Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo hab ku saleysan wada tashi iyo isu tanaasul, ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran madaxda Qaranka, heer Federaal iyo heer maamul goboleed.

Warkan ka soo baxay wasaarradda arrimaha gudaha ayaa imanaya kaddib markii guddoonka Aqalka sare uu dalbaday in jawaab deg deg ah madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaruhu ka bixiyaan aragtidooda la xiriirta khilaafka taagan.

Akhriso War-saxaafadeedka :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]