4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Shirkii golaha Iskaashiga maamul-gobolleedyada oo Garoowe ka furmay


Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Kulanka afaraad ee golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweyneyaasha Puntland , Galmudug , Koonfur-galbeed iyo  Galmudug .

Qodobbada inta uu shirka socdo looga hadli doono waxaa kamid ah xaaladda siyaadaeed ee dalka , khilaafka udhexeeya dowladda iyo madaxda maamul- gobolleedyada , Amniga iyo qodobbo kale , sida u sheegay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada.

Marka uu shirkan soo idlaado ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobbo dhowr ah oo ku wajahan xukuumadda iyo beesha caalamka .

Shirka Garoowe ayaa ku soo aadday xilli aan wali xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada,an iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]