4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Mareykanka oo sheegay in uu ka baxayo heshiiskii dhinaca hubka ee Ruushka kala dhexeeyay

Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Madaxwaynaha Marekanka, Donalda Trump  ayaa wariyayaasha u sheegay in  Ruushka uu jabiyay heshiiskii 1987 ee dhanka niyukleerka oo ay horey u wada galeen dowladaha Ruushka iyo Mareykanka.

Trump  ayaa ka dhawaajiyay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiska oo mamnuucayay gantaal-rakibo dhexdhexaad ah, oo leh tiro u dhaxaysa 500 ilaa 5,500km (310-3,400 mayl).

Madaxweynaha Marekanka, waxaa kalo u sheegay in dalkiisa uusan ogolaan doonin in talaabo dhinaca Nuclearka ah oo ay qaado xukuumaddo Moscow ,iyadoo aan loo ogoleyn Mareykanka.

Wuxuu soo hadal qaaday sababta madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama uu uga hadli wayaay arrintaasi in uu ka baxo gebi ahaanba ama in wadaxaajoog laga galo ayuu sheegay in uusan ogayn sababta ay siddaasi ku dhacday,balse isaga uu ka bixi doono.

Sidoo kale ,madaxweyne Trump ayaa sheegay in arrintani aysan micneheedu ahayn in Mareykanka uu Midowga Yurub cadaadis uu uga imaanayo,isagoo xusay in dhaq dhaqaaqa  Ruushka uu horseedi karo loolan hor leh oo dhanka hubka ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka ayaa dhankiisa  laga soo xigtay in uu sheegay in talaabadan ay gadaal ka riixayaan dowlado kale,wuxuuna xusay in aysan ahayn wax sidaa u ballaaran oo muran dhalinkara gantaaladeeda ridada dhexe.

Balse Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Ruushka uu awood u yeelan karo in uu helo sawaariiq uu ku weerarri karo waddamada ku bohoobay Gaashaanbuurta NATO.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]