4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga London

Axad, October, 21, 2018 (HOL)–  Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa toddobaadkan ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Dr Bayle ayaa inta uu joogay London, waxaa uu khudbado ka jeediyay Jaamacadda Oxford iyo machadka Chatem House ee magaalada London, isagoo ka war-bixiyay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya  iyo guulihii laga gaaray.

Sidoo kale, wasiirka maaliyadda wuxuu kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan London, waxa uu warbixin ka siiyey horumarka dhinaca maamulka maaliyadda ah ee ay samaysay dawladda Soomaaliya, isagoo kula dardaarmay inay ka qaybqaataan dib u soo kabashada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii looga cafin lahaa malaayiin doollar oo deyn ah,waxaa inta dheer inay dowladda ku dadaallayso sidii lacag cusub loogu sameyn lahaa dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]