4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Maxamuud Cabdi Yare (Gar-Libaax) oo Gaalkacyo kaga dhawaaqay in uu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland

Axad, October, 21, 2018 (HOL)–   Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayuu kaga dhawaaqay, Maxamuud Cabdi Yare (Gar-Libaax) inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland doorashada dhacaysa horraanta bisha Jannaayo ee sannadka 2019.

Gar-Libaax, ayaa ka mid ah ganacsatada iyo qurbajoogta Puntland ee mashaariic iyo howlo ganacsi ka waday muddo dheer dalka, isagoo aas aasay warbaahinta Al-Xikma oo ka howl- gasha inta badan deegaannada Puntland.

"Waxaan hortiina ka shaacinaya inan u sharraxanahay xilka madaxweynaha Puntland." ayuu yiri Maxamuud Cabdi Yare oo inta ku daray " Waxaa ballan-naga ah Amaano,talo-wadaag,cadaalad, sinaan iyo midnimo Soomaaliyeed inan idin ku hoggaamiyo."

" Illahay waxa uu ammaanay dadka Qur'aanka barta iyo qofka la-baro.. nimanka aan hadda wada tartameyno ama madaxweynaha hadda jooga nin walba muxuu soo qabtay, ma ku jira qof Qur'aanka ka soo shaqeeyay ,diin,wanaag iyo aakhrida dadka iyo meesha ay ku dambeeyaan, ma ku jiraa.. anniga kuma faanayo ,balse dadkan waxay u baahanyihiin diinta in lagu hoggaamiyo,taasna waxaa ka bixi kara qof horey loo soo tijaabiyay." ayuu ku daray.

Xalfadda ,waxaa ka qaybgalay nabadoonno,odayaal ,dhallinyaro iyo xubno ka socday qaybaha bulshada, waxaana hadallo ay munaasabadda ka jeediyeen si wadajir ah ay u sheegeen inay taageersanyihiin oo ay garab-taaganyihiin musharrax Maxamuud Cabdi Yare (Gar-Libaax),iyagoo ugu baaqay xildhibaannada inay doortan musharraxa.

Maxamuud Cabdi Yare , ayaa noqonaya musharrixii ugu horreeyay ee magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqa inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland, waxaana dhawaan la filayaa in ololihiisa doorashada uu ka billaabo gobollada kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]