4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Shirka golaha Iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo Garoowe ka furmaya

Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Shirka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa la filayaa goor dhow inuu ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha madasha ayaa lagu wadaa inuu shirka furo,kaaso oo ay ka qaybgalayaan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Galmudug.

Balse madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ka mid ahayn madaxda shirka ka qaybgalaya ,maaddaama uu horay uga baxay go'aankii maamul-gobolleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo bishii hore ee September, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Gaas, ayaa sheegay sababta uu shirka uga maqanyahay madaxweynaha Hirshabeelle inay la xiriirto go'aan uu isagu gaaray, waxa uuna madaxweyne Gaas sheegay in waxyaabaha ay diiradda ku saarayaan shirka ay ka mid yihiin, arrimaha aminga, dastuurka dalka, khayraadka iyo awood qeybsiga iyo doorashada dalka ka dhacaysa 2020-ka.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed xalay ka soo baxay golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa lagu qaadacay doorashadii shalay ka dhacday Cadaado ee lagu doortay Axmed Maxamed Baasto .

"Goluhu wuxuu cod dheer ku beeninayaa warka lagu sheegay in Madaxweyne cusub loogu doortey dowlad-gobolleedka Galmudug, kaas oo ay hormuud ka yihiin koox fidmo wadayaal ah oo fadhigoodu yahay Cadaado, gacan dhaqaalana ka helaya dowladda dhexe kuwaas isu bahaystey burburinta Galmudug iyo in la fashiliyo heshiiskii Maamulka iyo Ahlusunna WJ." ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]