Booliiska Soomaaliya oo lagu eedeeyay dil iyo barakacin ay ku hayaan qaar ka mid ah shacabka degmada Wadajir
Axad, October, 21, 2018 (HOL)-Wasiirka
hore ee wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan dowladda
Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ciidamada Booliiska Soomaaliya dil iyo barakicin ku
hayaan qaar ka mid ah dadka degan degmada Wadajir gaar ahaan degmada Nasteexo.
Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa
sheegay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku dileen xaafadda dad rayid ah
kuwa kalana ku dhaawaceen, waxaana uu intaa ku daray in wax lala yaabo tahay in
ciidamada Booliiska loo adeegsado dilka iyo barakicinta dad shacab ah.
’’Waa markii labaad oo ay
arintani dhacdo, waxa falkan geysanaya waa taliyaha Booliiska gobolka Banaadir
Saadiq John iyo taliyaha qeybta Galbeed G/sare Qaasim, waxaa intaa dheer oo
arin fool xumo ah in markii dadkaa la dilay lana dhaawacay kaddib haddana
guryahoodii inta Cagaf loo keensaday la bur burinayo’’ ayuu yiri xildhibaan
Cabdirisaaq.
Wuxuu sheegay in sababta
ciidamada Booliiska ay sidaa u sameynayaa tahay in dad kale oo lacago laga
qaatay la doonayo in dhulkaa lagu wareejiyo, isaga oo intaa ku daray in
arrimaha noocaa oo kale ah keeni karaan cawaaqib aan wanaagsaneyn.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya
ayuu sheegay in ay arintan ay kala hadleen, islamarkaana uu amar ku siiyay
taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed in ilaa sharci laga soo saarayo
dadkaasi degennaadaan dhulka ay hadda degan yihiin oo ah Siliggii hore ee
Ameerican-ka.
‘’Waxaa jira qoraalo ay horay u
soo saareen madaxda dowladdihii hore ee dalka soo maray iyo guddoomiyayaashii
hore ee gobolka Banaadir oo dhiggaya in dhulkaasi yahay dhul ay dowladda
leedahay, haddii la sharciyeey-nayana xaq u leeyihiin dadka hadda degan oo
dhulkaa ku noolaa ku dhawaad 30 sano ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii
hore ee Amniga.
Cabdirisaaq ayaa ugu danbeyntii
sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ku war-galinayaa in laga
foojignaado colaad iyo cadawtimo hore leh oo bulshada laga dhax abuuro, lana
joojiyo weerrarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]