4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Dowladda dhexe oo lagu eedeynayo in ay ka caga- jiideyso wada hadal lala galo maamul gobolleedyada

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL) – Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegay in dowladda dhexe u muuqato in ay caga jiideyso wada hadal lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada oo horay ugu dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa sheegay in ergo ka tirsan Aqalka sare oo loo kala diray dowlad gobolleedyada dib warbixin ugu soo celiyeen golaha, laakiin jawaabtii ay goor hore ka filayeen dhinaca xukuumada aan wali la helin.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay aqbalaan in arinka lagu dhameeyo miiska wada hadalka, isaga oo intaa ku daray in madaxda dowlad gobolleedyada diyaar u yihiin wada xaajood lala galo dowladda dhexe.

Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in dhinaca dowladda ay caga-jiideyso wada hadal lala galo maamul gobolleedyada, waxaana uu muddo saddex cisho ah u qabtay madaxweynaha in uu jawaab uga bixiyo baaqa golaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Maanta ayaa lagu wadaa in uu magaalada Garoowe ka furmo shir ay halkaa ku leeyihiin ilaa saddex madaxweyne gobolleed, waxaana shirka ka maqan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo bishii September ee ina dhaaftay ku dhawaaqay in uu heshiis la galay dowladda dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]