4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Deeqa Maxamed Barre oo u tartameysa degmada 5-aad ee gola deegaanka magaalada Toronto

Sabti, October, 20, 2018 (HOL) Dadka ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa maalinta Isniinta ah u dareeri doona codbinta duqa magaalada iyo golaha deegaanka ee degmooyinka magaalaas, waxaa musharraxiinta ka mid ah Deeqa Maxamed Barre Shabeel uu u tartameysa degmada 5-aad ee  Ward 5 York South –Weston.

Deeqa Barre waxay rajeyneysaa inay doorashada kaga guueleysato ilaa 7 musharrax oo la tartameysa, waxayna taageerayaasheeda u sheegtay inay tahay musharax ugu habboon kursigaas, isla markaana wax ka qaban kara baahida degmadooda.

“Fursad ayay u tahay dadka degmada, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed inaan ku guuleysto kursigaas, waayo waxaan wax ka qaban doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ammaanka, adeegga caafimaadka, guryaha, kordhinta gaadiidka dadweynaha iyo shaqaaleysiinta da’yarta” ayay tiri Deeqa Barre oo la hadleysay HOL

“Waxaan sameyn doonaa xarum gooni u ah dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo hirgalin doona adeegyada aan goonida ugu baahanahay” ayay sii raacisay.

Deeqa waxay sheegtay inay isku keeni doonto qoomiyadaha kala duwan ee ku nool xaafadda ay ka tartameyso haddii ay ku guuleysato. “Waxaan u baahanahay is badal siyaasadeed, waxaana idin weydiisanayaa codkiinna si aan wax uga qabanno arrimaha dhammaanteen na wada khuseeya” ayay u sheegtay taageerayasheeda.

Xubno ka tirsan ololaha doorashada Deeqa ayaa iyaguna sheegay inay ku kalsoon yihiin qaban-qaabada iyo lololaha doorashadeeda, waxanyna sheegeen in haddii dadku codeeyaan, gaar ahaan Soomaalidu ay guul ka gaari doonaan.

Farah Mohamed Ali (Blue)

[email protected]

Hiiraan Online