Sabti, October, 20, 2018 (HOL)
- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta
ka jawaabay eeddo uga yimid labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, kuwaas
oo ku dhaliilay khilaafka ka taagan in kala diro komishanka doorashooyinka oo
ay ku dusha ka saareen madaxweynaha.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay xisbiyadu is
hayn balse xisbiga WADANI iyo Komishanka doorashooyinku is hayaan, waxaanu soo
jeediyey in xisbiga WADANI maxkamada u gudbiyo wixii uu ka tabanayo komishanka,
isagoo xusay in aanu awood u lahayn inuu kala diro komishanka doorashooyinka oo
xisbiga WADANI isagu soo jeediyey in la kala diro.
“Hadii xisbiga WADANI ay komishanka
doorashooyinka wax ka sheegteen maxkamada u banaan, hadii ay yidhaahdaan la
shaqayn maayo dee anigu kaligay tartan gali maayo, xisbiga boqolkiiba
afartan codka dadweynaha helay baanu ixtiraamaynaa ee ha isku noqdaan
taageerayaasha xisbiga iyo madaxda xisbigu, anigu Komishanka ma kala eryi karo
oo wakhti buu leeyahay waa wadadda ugu adag in la kala eryo komishanka
doorashoyinka, marka la kala dirayo horta shakhsi shakhsi baa loo soo
eedeynayaa oo qof qof baa loo eryi kara sida uu sharcigoodu dhigayo,
haseyeeshee aniga waa iga diyaar doorashaddi”ayuu yidhi Biixi.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay labada xisbi
mucaarad oo ku baaqay shir beelood haddii doorashaddii baarlamaanka iyo golaha
deegaanku dib u dhacan, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay sidan “Shir beeleed
saddexda gudoomiye ee aan ka midka ahay kii ku dhawaaqa waxa ka dhallan kara
dambi sharci, xisbi qaran ee ku dhawaaqa waa khalad iyo dambi sharci jabin ah
waayo waanu ka soo gudubnay marxaladaasi dadkuna saddexda xisbi ayey kaga
baxeen qabyaaladda,”
Mar kale isago ka hadlay hadal ka dhashay deeq
waxbarasho oo laga helay Itoobiya oo labada xisbi mucaarad ka hadleen waxa uu
yidhi “Deeqdii waxbarasho ee gobolada loo qaybiyey waxa ka hadlay labada
gudoomiye xisbi awal hore arday uun baa ka hadli jirtay hadii aanay xumaan u
jeedin waxyaalaha nacda iyo xumaanta keenaya inay ka wareegaystaan
bay ahayd, laakiin maaha inay iyagu ballada farta ugu fiiqaan marka wasiirka
iyo sida wax loo qaybiyey intaad baadhaan wax ka waydiiya”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay kalmad shacabku ku
xantaan oo loo bixiyey oo ah Handaraab, taas oo dadku ku eedeeyeen inuu
dhaqaalihii iyo dalkiiba handaraab ku xidhay, waxaanu sheegay in handaraabku
fiican yahay oo bahal walba guriga laga handaraabo, waxaanu tilmaamay inuu
joojiyey dadkii uu la kulmi jirey ee xafiiska ku soo booqan jirey oo uu sheegay
in wakhti badan kaga lumayo, taasina ay keentay magacan loo bixiyey ee
handaraab.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Onlin
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.