4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo Garoowe gaaray

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo markii ugu horreysay uu ka furmayo shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha madasha maamul-gobolleedyada ayaa ku soo dhaweeyay Garoowe, madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Galmudug.

Shirka madasha waxaa markii ugu horrreysay la sheegay inuusan ka qaybgaleyn madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hirshabeelle, kaddib markii uu toddobaadyo ka hor ku gacan sayray go'aankii dowladda federaalka ay xiriirka ugu jareen maamul gobolleedyada oo u ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ku saxiixay Kismaayo.

Lama soo bandhigin ajandaha shirka madasha wadatashiga  dowlad-gobolleedyada , shirka oo la filayo Axadda berri ah inuu ka furmo xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee duleedka magaalada Garoowe.

Shirka ayaa ku soo aadday iyadoo wali aan xal loo helin khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada. Ismaandhaafkii ugu waynaa ee maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ahaa kii ka dhashay khilaafkii khaliijka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]