Sabti, October, 20, 2018 (HOL)
- Wararka naga soo gaaraya degmada
Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaa looga dhawaaqay
madaxweyne cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug oo loo doortay Axmed
Maxamuud Xassan [Baasto]
Waa qeyb ka mid ah khilaafka
waayadii ugu danbeeyayba ka dhax taagnaa maamul gobolleedka Galmudug oo hadda u
muuqda mid labo garan u kala taagan, waxaana ay doorashadani imaneysa xili
madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka mid yahay madaxda maamul
gobolleedyada ee saacadaha soo socda shirka uga furmayo magaalada Garoowe.
Axmed Baasto ayaa la sheegay in
uu ka guuleystay musharax kale oo xilkan kula tartamay oo lagu magacaabo
Cabdixakiin Cali Guure, waxaana doortay ayaa la sheegay 52 xildhibaan, halka
musharax kale uu helay 8 cod oo kaliya.
Hogaanka sare ee maamul
gobolleedka Galmudug ayaa horay u sheegay in Cadaado ku sugan yihiin
xildhibaanno aan ka badney ilaa 10 mudane, sidaa daraadeed aysan wax dooran karin, waxaana horay xilalka looga
qaaday guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweyne
ku-xigeenka maamulka Maxamed Xaanshi Carabey.
Doorashadan cusub ee ka dhacday
maanta Cadaado ayaa sii murjin doonta khilaafka maamulka dhaxdiisa ah oo hadda
u muuqda mid yeelanaya labo madaxweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]