4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
238 Ardey Soomaaliyeed ah oo dhameysatay cilmiga Dhaqtar-nimada


Sabti, October, 20, 2018 (HOL) - Waxbarasho soo soctay muddo Lix sano ah kaddib ayeey 238 Ardey ugu danbeyntii waxaa dhameysteen cilmiga Dhakhtar-nimada Kuliyada caafimaadka Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada  buugga qelin jebinta ardaydan aflaxday ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho taasoo ay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo dhowr bilood socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho, xeryaha Barakacayaasha iyo xaafadaha qaarkood.

Waxaa munaasabadan ka qeyb galay Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Benaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Hormuudka kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in ardayda qelin jebisay ay wixii hadda ka dambeeya yihiin dhaqaatiir Qaliin iyo daweynba sameyn kara, isagoo xusay inay muujiyeen dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta asaagood ah ee ka baxday Jaamacadaha caalamka maadaama buu yiri ay heystaan shahaado caalamka laga aqoonsan yahay oo ay ku howlgeli karaan kuna doonan karaan taqasusyada ay u baahan yihiin.

“Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada Jaamacada Banaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in 238 dhaqtar ay ka qelin jebiyeen kuliyadda Caafimaadka ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir daweyn iyo qaliinba sameyn kara” ayuu yiri Dr. Biday oo halkaas ka tiriyey magacyada ka ardayda galay kaalimaha hore.

Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan aasaasayaasha iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir ayaa isna kulankaas ka sheegay in ardayda ka qelin jebisay kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir ay yihiin kuwo nasiibku saaciday maadaama kuliyadaas ay ku kulmeen macalimiintii ugu badneyd ee ka soo baxay Jaamacaddii hore ee Ummadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay, wuxuuna sheegay in ardaydan ay yihiin kuwii ugu badnaa ee mar kaliya ka qelin jebiya kuliyadda Caafimaadka mudadii 16-ka sano aheyd ee ay jirtay. Wuxuu sheegay in marka lagu daro dhaqaatiirtan cusub ay Jaamacadda Banaadir ka qalin jebiyeen 920 dhakhtar, taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda iyo calaamad muujineysa kaalinta hormuudnimo ee ay kaga jirto horumarinta Caafimaadka Bulshada.

“Waxaan farxada la wadaagayaa dufcadii 11aad ee soo dhameysata kuliyadda dhaqtarnimada ee Jaamacada Benaadir ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in Jaamacada Benaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray awgeed, wuxuuna xusay in Jaamacadu ay guul u tahay in 16 sano ka dib ay soo saartay ku dhowaad kun dhaqtar, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.

Guddoomiyaha Muasasada Jaamacadda Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo gebagebadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Benaadir ay buuxisay kaalintii Jaamacaddii hore ee Umadda, ayna soo saartay dhaqaatiir fara badan oo haatan ka shaqeeya dalka iyo dibeda.

Dr. Bushkuleeti ayaa ardayda qelin jebisay u sheegay in waxbarashadii rasmiga aheyd ay hadda ka dib u bilaabatay, aysan maankooda gelinin in waxbarashadii ay halkaas ku dhamaatay isagoo ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen iyo dedaalka ay muujiyeen.

Intii ay munaasabadaas socotay ayaa waxaa sidoo kale hadalo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey xubno ka tirsan Maamulka, Mu’asasada iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir, iyagoo ardayda qelin jebisay siiyey tilmaamo iyo tusaalooyin, una rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]