3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Haweenka Somaliland oo madaxweyne Biixi ku dhaliilay in aanu xilalka uu magacaabay ku darin

 

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Haweenka Somaliland ayaa sheegay inay saluug weyn ka qabaan xilalka uu magacaabo madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo usoo jeediyey in haweenka lagu daro.

Haween ka kala yimid ururada bulshada Somaliland ayaa baaq u diray madaxweyne Biixi, isla markaana ku dhaliilay in xilalka uu magacabay haweenku ku yar yihiin, iyagoo ku dooday in haweenka Somaliland bulshada ka yihiin 55%.

“Waxaanu iskaga kala nimid qaybaha kala duwan ee bulshada, haweenku saluug bay ka muujiyeen xilalka uu magacaabo madaxweyne Muuse Biixi oo dhinac u badan, waxaana dadka soo kiciyey magacaabistii u dambaysay oo ahayd 19 qof oo guddiyo kala duwan u magacaabay ayaanay ku jirin qof dumar ahi, waxaana ugu baaqaynaa in la tixgaliyo dumarka oo bulshadda qayb weyn ka ah.”ayey ku baaqeen haweenku.

“Iyadoo haweenku ka yihiin bulshada boqolkiiba shan iyo konton, isla mrkaana ah cida ololaysa ee soo doorta mdaxweyne kasta oo qaranka Somaliland hogaamiya hadana ma helin xaqii dastuuka Somaliland siiyey, waxaanu ugu baaqaynaa in haweenka xaqooda uu ilaaliyo”ayey qoraalkooda raaciyeen haweenweynaha Somaliland.

Dhowaaqa haweenka wuxuu ka dambeeyey 19 xil oo uu dhowaan madaxweynuhu magacaabay oo iskugu jira guddiyo kala duwan ayaan lagu soo darin qof haween ah, taas baa keentay inay cabashadooda kor u qaadaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
10/20/2018 1:46 PM EST
Dadka ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa maalinta Isniinta ah u dareeri doona codbinta duqa magaalada iyo golaha deegaanka ee degmooyinka magaalaas, waxaa musharraxiinta ka mid ah Deeqa Maxamed Barre Shabeel uu u tartameysa degmada 5-aad ee Ward 5 York South –Weston.

10/20/2018 12:21 PM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)-Golaha Aqalka sare ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya in muddo saddex cisho uu jawaab uga bixiyo khilaafka kala dhaxeeya dowlad gobolleedyada oo bishii September ee sanadkan Kismaayo uga dhawaaqay in xiriirka u jareen dowladda dhexe.

10/20/2018 12:00 PM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta Garoowe ku soo dhaweeyay hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada,Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Galmudug ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta uusan Garoowe u tagin madaxweynaha Hirshabeelle.

10/20/2018 11:38 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta socdaal dhinaca lugta ah ku gaaray magaalada Garoowe, ayaa sheegay shirka hoggaamiyayaasha uga furmaya Garoowe inay ka soo bixi doonan qodobbo dan u ah Soomaaliya.

10/20/2018 9:58 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta ka jawaabay eeddo uga yimid labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, kuwaas oo ku dhaliilay khilaafka ka taagan in kala diro komishanka doorashooyinka oo ay ku dusha ka saareen madaxweynaha.

10/20/2018 9:43 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo markii ugu horreysay uu ka furmayo shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada.

10/20/2018 9:41 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaa looga dhawaaqay madaxweyne cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug oo loo doortay Axmed Maxamuud Xassan [Baasto]

10/20/2018 9:15 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)- Waxbarasho soo soctay muddo Lix sano ah kaddib ayeey 238 Ardey ugu danbeyntii waxaa dhameysteen cilmiga Dhakhtar-nimada Kuliyada caafimaadka Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho.

10/20/2018 5:50 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Shirka madasha wadatashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Axadda berri ah magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada.

10/20/2018 3:28 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Ciidan gadoodsan oo saakay xiray waddada aada xarunta madaxtooyada iyo dhismayaasha wasaaradaha Puntland ee duleedka magaalada Garoowe ayaa dib u furay.

10/20/2018 3:13 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Xukuumadda Britain ayaa markii ugu horreeysay beenisay inay taageerro siiso ciidamadda gaarka ah ee deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loogu yeero Liyuu booliska,sida lagu sheegay war ay baahisay safaaradda Britain ee magaalada Addis Ababa.

10/20/2018 3:07 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Wasiirka wasaarrada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ardey Soomaaliyeed ah ku xanniban yihiin dalka Turkiga.

10/20/2018 2:42 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Jaamacadda caalamiga ah ee University for Peace (UPEACE) oo hoos tagta Q/Midoobay oo kaashaneysa Machadka daraasaadka & Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SDRI) ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay barnaamij Waxbarasho sare oo loogu talo galay in ay ka faa’ideystaan ardayda dhameysata waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadaha dalka.

10/20/2018 2:39 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Ciidan gadoodsan ayaa xiray waddada aada xarunta madaxtooyada Puntland iyo xarumaha wasaaradaha ee duleedka magaalada Garoowe, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha saacadihii hore ee Sabtida.

10/20/2018 2:00 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Burcad baddeed Soomaali ah ayaa weeraray Markab laga leeyahay Hong Hong ,kaa soo mareeyay xeebaha Bari ee Soomaaliya toddobaadkaan, waana qeyb ka mid ah khataraha wali taagan oo ay burcad baddeedu ku hayaan Maraakiibta iyo Doomaha ganacsi.

10/20/2018 12:01 AM EST
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)–Dowladda Saudi Arabia ayaa ugu danbeyntii shaacisay dilka wariye Jamaal Khashoggi, hasse ahaatee Boqortooyada ayaa sheegtay in uu ku dhintay dagaal dhaxmaray isaga iyo dad ku sugnaa gudaha Qusuliyadooda magaalada Istanbul, laakiin dowladda Saudi Arabia ma aysan sheegin halka uu ku danbeeyay meydkiisa.