4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Ciidamo dib u furay Waddada aadda xarunta madaxtooyada Puntland

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)–  Ciidan gadoodsan oo saakay xiray waddada aada xarunta madaxtooyada iyo dhismayaasha wasaaradaha Puntland ee duleedka magaalada Garoowe ayaa dib u furay.

Ciidanka ayaa u diiddey gaadiidka iyo dadweynaha inay gaaraan xarunta madaxtooyada iyo dhismayaasha wasaaradaha,waxaana arrinta ay saameyn ku yeelatay xafiisyada  ku yaalla waddada la xiray.

Ilaa hadda ma jirto warbixin ka soo baxday dowladda oo looga hadlay ciidanka gadoodka sameeyay,lamana sheegin ciidanka gadoodka sameeyay waxa lagu qanciyay.

Warar horu-dhac ah ayaa u sheegay Hiiraan Online in ciidamadda la siin doono qayb ka mid ah mushaar toddobo bilood ah oo ay sheegeen inaysan dowladda siin, waxaana dadaallada ciidanka looga qaaday waddada madaxtooyada ka qayb-qaatay madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo saraakiil ciidan.

Ciidanka Puntland ayaa dhowr mar oo hore gadood ka sameeyay mushaar la'aan, arrinta oo inta badan dowladda lagu dhaleeceeyo, balse maamulka wuxuu inta badan diidda inan mushaar la siin ciidamadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]