4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Wasiirka Waxbarashada oo ka hadlay Ardey Soomaaliyeed oo ku xanniban dalka Turkiga

 

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Wasiirka wasaarrada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ardey Soomaaliyeed ah ku xanniban yihiin dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in arintan ardeydaasi u xanniban yihiin tahay kaddib markii ay ay dowladda Turkiga diiday aqoonsiga Jaamacadaha ay ardeydaasi ka soo baxeen, isaga oo arintaa ku tilmaamay nasiib darro.

‘’Waa arin nasiib darro ah oo ku dhacday ardeyda Soomaaliyeed in loo diiday in ay sii wataan waxbarashada heerka labaad ee Jaamacada, kaddib markii la diiday aqoonsiga Jaamacadaha ay ka soo baxeen ee gudaha dalka Soomaaliya’’ ayuu yiri Goodax.

Ardeydan ayaa markii horeba u aaday dalka Turkiga diyaarinta heerka labaad ee waxbarashada Jaamacada, laakiin waxaa muuqata in ay caqabad kala kulmeen waxbarashadoodii hore oo dowladda Turkigu ka soo qaaday waxba kama jiraan.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Jaamacada ka dhisan dalka aysan soo buuxin heerkii iyo sharuudihii Jaamacad looga baahnaa sidaa daraadeed aysan aqoonsaneyn wasaarrada waxbarashada, taasoo keentay in uu xilkiisa ku waayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]