Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Burcad baddeed
Soomaali ah ayaa weeraray Markab laga leeyahay Hong Kong ,kaa soo
mareeyay xeebaha Bari ee Soomaaliya toddobaadkaan, waana qeyb ka mid ah
khataraha wali taagan oo ay burcad baddeedu ku hayaan Maraakiibta iyo Doomaha
ganacsi.
Weerarku wuxuu dhacay Talaadaddii, Oktoobar
16-keedii, markii koox ka kooban afar burcad-badeed oo ku hubaysan qoryaha
AK-47 ,islamarkaana la socday donyar ay weerareen Markabka lagu Magacaabo MV
KSL Sydney.
Weerarkii ayaa la aaminsan yahay in uu yahay
dhacdadii labaad ee burcad-badeed ee laga soo sheego xeebaha Soomaaliya
sannadkaan.
Bishii Febraayo, MT Leopard Sun, oo ah markab
kiimikada qaada oo laga leeyahay Singapore ah, ayaa waxaa soo weeraray
burcadbadeed hubeysan ku dhowaad meel u jirta 160nm xeebta bari ee
Soomaaliya, laakiin weerarkaasi waa uu guuldareystay markii ciidanka Ilaaladda
Markabka ay la dagaallameen Burcadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]