4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Dowladda Saudi Arabia oo shaacisay dilka wariye Jamaal Khashoggi

 

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)–Dowladda Saudi Arabia ayaa ugu danbeyntii shaacisay dilka wariye Jamaal Khashoggi, hasse ahaatee Boqortooyada ayaa sheegtay in uu ku dhintay dagaal dhaxmaray isaga iyo dad ku sugnaa gudaha Qusuliyadooda magaalada Istanbul, laakiin dowladda Saudi Arabia ma aysan sheegin  halka uu ku danbeeyay meydkiisa.

Wakaalada Wararka Saudi Arabia ayaa sheegtay in dagaalka uu ka bilaawday gudaha Qunsuliyada wax yar uu kaddib markii uu gudaha u galay isaga oo u socday in uu helo warqado nikaax, wakaaladda wararka ee SPA ayaa sidaas sheegtay.

‘’Dood dhaxmartay isaga iyo dad kale gudaha Qunsuliyada dagaal ka dhashay kaddib ayaa keentay in uu halkaa ku dhintay, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boqortooyada.

Arintan ayaa la sheegay in loo xiray 18 ruux, waxaa sidoo kale shaqada laga eryay madaxii sirdoonka Boqortooyada Axmed al-Asiri sida lagu sheegay bayaanka.

Wariyaha ayaa la waayay 2dii bishan October kaddib markii uu galay gudaha Qunsuliyada Saudi Arabia ee magaalada Istanbul isaga oo u socday in uu helo warqado ama Dukumiintiyo la xiriiray guurkiisa.

Lama oga sida uu caalamku uga fal celin doono bayaanka ka soo baxay dowladda Sacuudiga eeku saabsan in wariye Jamaal ku dhintay dagaal ama gacan ka hadal ka dhax dhacay gudaha Qunsuliyada, inkastoo dhinaca kale la leeyahay dilkiisu waxaa uu ahaa mid qorsheysan oo laga shaqeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]