4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Ra'iisul wasaare Khayre: Shaqooyinka dowladda waa in loo diro shaqsiyaad karti u leh

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay wasiir kasta oo xukuumadda ka tirsan inuu wasaaraddiisa ka billaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

"Habka kaliya ee shaqo abuur loogu samayn karo dhallinyada Soomaaliyeed, ciidan xoog leh lagu dhisi karo, daynta looga cafin karo waxay tahay in la horumariyo dhaqaalaha."ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Khayre, wuxuu inta ku daray dhaqaalaha dalka in la horumariyo inay ku xirantahay in musuqa lala dagaallamo iyo in shaqooyinka loo diro shaqsiyaad karti u leh.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo hadalkan ka sheegay munaasabad Isniintii looga hadlay daah-furnaanta maaliyadda dalka ayaa xasuusiyay bulshada Soomaaliyeed in si isku filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in mas'uuliyad layska saaro shaqooyinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]