4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday ka ganacsiga dawada TP

 

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay isticmaalka iyo ka ganacisga dawada loo qaato cudurka TP ama qaaxada ay uga sii dartay sii faafitaanka cudurkan oo siweyn ugu fidaya guud ahaanba dalka.

Wasiirka Wasaarrada Caafimaad dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abuukar Nuur ayaa u sheegtay Idaacada VOA in dowladda Soomaaliya joojisay ka ganacsiga dawada TP.

“TP-da waa cudurada ugu badan ee Soomaalida aadka u saameeya, waxaa naga kaalmeeya dawadooda, bukaanada dawooyinka la siiyo ee cudurkan waa daawo lacag la’aan ah, laakiin Soomaaliya waxaa ka jira dawooyin aan sax aheyn oo dalka la soo geliyo, Soomaaliya cudurkan aad ayuu u hayaa”. ayay tiri wasiirka caafimaadka.

Wasiirka ayaa ka mid aheyd wafdiggii Soomaaliya uga qeyb galay shirka golaha guud ee QM oo arrimihii looga hadlay ay ka mid ahaayeen cudurada dhibaatooyinka kala duwan ku haya dadka ku nool geeska Afrika.

''Dadka  waxaan uga digeynaa in ay dawada oo si bilaash ah loo heli karo in ay tagaan farmashiyaasha iyo goobaha ganacsiga loo furtay ee dawadan lagu iibiyo,  qofka inta uusan dawo aan sax ahey uu qaadan lahaa waxaa u dhaanta in uu cudurka  la sii noolaado ilaa uu  ka helayo dawadii saxda aheyd'' ayuu yeey tiri Fowsiyo 

Soomaaliya waxaa ka furan xarumo dhowr ah oo dawooyin lacag la’aan ka ah laga siiyo dadka cudurkan la nool, waxaana xarumahan gacan siiyo hayaddo samafal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]