4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Madaxweyne Farmaajo: Waa muhiim in dal walba aan ka leenahay siyaasad cad

Jimco, October, 19, 2018 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladdiisu ay aad u hoosayso, loona baahanyahay in ay dowladdu ka yeelato siyaasad cad isbedelada wayn ee ka dhacay geeska Afrika iyo culayska ka soo wajahay waddamada khaliijka.

Farmaajo, waxa uu usoo jeediyay wasiirka arrimaha dibadda in wasaaraddiisa ay la timaado siyaasad qeexan oo la jaan qaada caalamka intiisa kale ,isagoo  caddeeyay in ay muhiim tahay in dal walba ay dowladdu ka yeelato siyaasad cad .

"Wasaaradda arrimaha dibadda oo u wasiirka hoggaaminayo waa inay maskaxda shiilaan ay ka soo saaran ma aha maanta waxan qabaneyno, shanta sanno ee soo socota xagge jognaa yaa naga maqan, dowladdahee kale oo aan taageerro ka raadinaa." ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo khamiistii khudbad ka horjeediyay golaha wasiirrada.

Dowladda Soomaaliya ayaa toddobadkii hore taageertay Sacuudiga  ,go'aanka oo dadka qaar ay u arkayeen mid aan habbooneyn, maaddaama Sacuudiga uu la kulmayo eedeymo la xiriira weriye Sucuudiga u dhashay oo lagu tuhunsan yahay in ay khaarijisay dowladda Sucuudiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]