3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo magacaabay guddoonka jaaliyadda dowlad-gobolleedka ee Waqooyiga Ameerika

Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hir-Shabeelle ,Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horreeysay magacaabay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeenka jaaliyadda Hir-Shabeelle ee waqooyiga Ameerika.

Guddoomiyaha jaaliyadda ayaa loo magacaabay, Maxamed Ciise Wardere (Mudey) halka gudoomiye ku-xigeenna loo magacaabay Cali Cabdalla Adawe,sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle.

Magacaabiista ayaa la sheegay inay ka dambeysay, kaddib markii maamulka uu arkay baahi loo qabo abaabulka iyo mideynta jaaliyadda Hir-Shabeelle ee waqooyiga Ameerika, halkaa oo ay ku noolyihiin jaaliyad ballaaran oo Soomaali ah.

Guddoonka cusub ee jaaliyadda Hirshabeelle ayaa xilka loo magacaabay si kumeel-gaar ah u heyn doona,tan iyo inta laga gaarayo jaaliyadda inay iska dhex doortan guddoon.

Maamullada kale  ee dalka ka dhisan ayaa jaaliyaddo ku leh waqooyiga Ameerika ku waa oo udub-dhexaad u ah bulshadda qaybaheeda kala duwan iskuna xira jaaliyadda dibadda iyo kuwa ku nool gudaha.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Onilne
[email protected]











Click here
10/19/2018 1:53 PM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Munaasabada lagu taageerayay Musharaxnimadad Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

10/19/2018 1:27 PM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladdiisu ay aad u hoosayso, loona baahanyahay in ay dowladdu ka yeelato siyaasad cad isbedelada wayn ee ka dhacay geeska Afrika iyo culayska ka soo wajahay waddamada khaliijka.

10/19/2018 11:27 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Maxkamada gacanta ku heysa kiiska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu wargaliyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsiggii lagu hayay.

10/19/2018 11:08 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)-Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Daahir AAdan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

10/19/2018 8:03 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hor yimid kuna tilmaamay mid ka hor imanaya shareecada Islaamka xeer Qoyska oo ay soo bandhigtay wasaarradda haweenka xukuumadda Soomaaliya.

10/19/2018 5:44 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Xukuumadda Washington ayaa shaaca ka qaadday in ay albaabbada isugu dhufaneyso qunsuliyaddeeda guud ee ku taalla magaalada Qudus, taasoo ka shaqeyneysay arrimaha Falastiiniyiinta, hase ahaatee howlaheeda loo weecin doono safaaraddooda cusub ee magaalada Qudus, sida uu ku dhawaaqay xog hayaha Arrimaha Dibedda.

10/19/2018 5:26 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)-Dood ay ka qeybgaleen ilaa 150 qof oo ay soo qabanqaabisay madasha Talo-wadaag ayaa looga hadlay xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada qeybta ka ah oo waayadii ugu danbeeyay xumaa.

10/19/2018 2:54 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxa’ mud oo ka hadlayay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada ayaa sheegay in uu jiro culeys ku lagu hayo sida uu hadalka u dhigay madaxda dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan.

10/19/2018 2:30 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Xoghayaha Maaliyada Mareykanka,Steven Mnuchin, ayaa shaaciyay in uusan ka qaybgali doonin shirka ballaaran ee Maalgashiga ee lagu wado in uu Sacuudiga ka dhaco.

10/19/2018 2:20 AM EST
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)-Sida ay wararku sheegayaan booliiska Turkiga ayaa ballaariyey baadhitaanka ay ku hayaan kiiska Saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la sheegay in la dilay Jamal Khashoggi.